3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 29, 2021
Farmaajo oo xalay la kulmay qaar ka mid ah madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada

 

Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Iyadoo aad moodo in khilaafka la xiriira doorashada Soomaaliya oo uu marayo halkii ugu adkeyd, ayaa waxaa xalay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya shir gaar ah ku yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisal Wasaare Rooble, madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa  sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw waxaa siweyn loogu lafaguray guud ahaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo shirarkii ugu danbeeyay ee laga yeeshay arrimaha doorashada, iyadoo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ee ka qeybgalay shirkan warbixin ka siiyeen madaxweyne Farmaajo kulamadii ugu danbeeyay oo ay la yeesheen labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland oo siweyn uga aragti duwan madaxtooyada Soomaaliya.

Maalmihii ugu danbeeyayba xerada Xalane waxaa ka soconayay kulamo gaargaar ah oo ay lahaayeen madaxeynayaasha dowlad gobolleedyada oo xal loogu raadinayay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka jira, hasse ahaatee ilaa iyo hadda lama sheegin natiijo la taaban karo oo kulamadaasi laga gaaray.

Kulanka xalay ayaa sidoo kale leys kula soo qaaday qalalaasihii ka dhashay kulankii ugu danbeeyay ee Golaha Shacabka iyo shakiga soo baxaya ee mudo korarsiga la sheegay in madaxtooyadu ku howlan tahay, lamana faah faahin ilaa iyo hadda qoddobada leysku afgartay shirkii xalay ee ka dhacay Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
3/29/2021 9:16 AM EST
Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaallada wadajir ah madaxda maamuladda xubnaha ka ah dowladda dhexe ee federaalka si heshiis buuxa looga gaaro arrimaha doorashada.

3/29/2021 7:15 AM EST
Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in dowladda federalka Somaaliya aysan wax dareen ah ka muujin weerarkii dhawaan kooxda Alshabaab ku qaaday xabsiga Bosaso.

3/29/2021 5:57 AM EST
Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - kooxda Al-Shabaab ayaa ku baaqay hawlgallo ka dhan ah danaha Faransiiska iyo Mareykanka ee Jabuuti ka hor doorashooyinka madaxweynenimo ee dalkaas ka dhacaya 9 Abriil 2021.

3/29/2021 5:14 AM EST
Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha goboleedyada oo maalintii saddexaad shir uga socdo magaalada Muqdisho ayaa haatan kulan laleh wakiilada beesha Caalamka.

3/29/2021 4:46 AM EST
Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Qarax xoogan oo jugtiisa daqiiqado ka hor laga maqlay xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay agagaarka xarunta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

3/29/2021 12:39 AM EST
Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Fariin xalay saq dhexe lala wadaagay xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargaliyay in uu baaqday kulankii maanta qorshuhu ahaa in uu qabsoomo.