4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 29, 2021
kulankii Baarlamaanka ee maanta oo baaqday

 

Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Fariin xalay saq dhexe lala wadaagay xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargaliyay in uu baaqday kulankii maanta qorshuhu ahaa in uu qabsoomo.

Xildhibaannada ayaa loo sheegay in ilaa maalinta Arbacada ah toddobaadkan dib loo dhigay fadhiga Golaha Shacabka.

Dib u dhigista ayaa lagu micneeyay in fursad la siiyo ama laga warsugo kulamada arrimaha doorashada looga hadlayo ee ka soconaya magaalada Muqdisho.

Laakiin dhinaca kale marka la eego waxaa soo baxaya warar sheegaya in beesha caalamku cadaadis xoog leh ku saareen guddoonka Golaha Shacabka in la joojiyo kulanka maanta oo laga shaki qabay in kulanka la hor keeni doono ajande ah mudo korarsi.

Xildhibaannadii laga mamnuucay fadhiyada golaha Shacabka oo maalintii shalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay tagi doonaan kulamada Golaha xili kasta oo la qabanayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]