4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 28, 2021
Xildhibaannadda Golaha Shacabka oo maalinta berri ah kulmaya

 

Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargaliyay in maalinta berri ah ay ka soo qeyb-galaan fadhi uu yeelanaya Golaha, kaasoo la sheegay in ajandihiisu yahay dhibaatada uu wadanka ku hayo caabuqa Covid 19.

Kulanka leysugu yeeray xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa imanaya kaddib markii uu baaqday fadhiggii maalintii shalay lagu balasanaa oo ay dood adag ka keeneen xidhibaannada qaar oo sheegay in golaha la horkeenayo ajande qorsoon oo ah muddo korarsi.

Balse Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulankii shalay kaddib qoraal uu saaray waxaa uu Shan Fadhi ka mamnuucay in ay ka soo qeybgalaan 15 xildhibaan oo ah mudanayaasha mucaaradka ee ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya, kuwaa oo is horaagay in uu qabsoomo kulankii shalay.

Inkastoo kulanka berri sida kii hore oo kale lagu sheegay in ajanduhu yahay Covid 19, ayaa haddana dhinaca kale waxaan wali meesha ka marneyn shakiga laga qabo in fadhiga la horkeeni karo ajandaha muddo korarsiga, madaama haddii ay xildhibaannadu codsadaan lagu soo dari karo sida ay sheegeen mudanayaasha qaarkood.

Mudanayaasha laga mamnuucay fadhiyada Golaha Shacabka ee soo socda ayaa maanta shir jaraa'id ka sheegay in ay tagi doonaan kulanka maalinta berri ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]