3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 28, 2021
Xildhibaanno ka soo horjeestay go'aankii fadhiyada Baarlamaanka looga mamnuucay

 

Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) -Xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo Cabdirashiid Xidig oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee Guddoonka Golaha Shacabku ka mamnuucay in ay ka soo qeybgalaan fadhiyada Golaha ayaa arintaa sharci darro ku tilmaamay.

Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa oo ka mid ah liiska xildhibaannada laga mamnuucay fadhiyada Golaha Shacabka ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka uu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana aysan u hoggaansami doonin.

Sidoo kale xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa sheegay in ay hortaagan yihiin sida uu hadalka u dhigay qorshe ay heshiis ku yihiin guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweyne Farmaajo oo ah muddo korarsi sida uu hadalka u dhigay aan sharci aheyn.

Xidig ayaa intaa ku darray in aysan u hoggaasami doonin go'aanka uu qaatay guddoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan.

Xildhibaannadan ayaa lagu tilmaamay in ay fowdo iyo dhibaatada ka dhax abuureen fadhiyada Golaha Shacabka sidaa daraadeed ka soo qeybgali doonin kulamada soo socda.

Waxaa shalay fashilmay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib markii xildhibaannada qaar ay is taageen kulanka, iyaga oo sheegay in la wado ajande qarsoon oo ah muddo korarsi, inkastoo fariimaha loo diray xildhibaannada lagu sheegay in fadhiga looga hadlayo oo kaliya xaalada caabuqa Coronavirus iyo dhibaatada uu wadanka ku hayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   



























Click here
3/28/2021 12:10 PM EST
Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Wasaarada ganacsiga Somaliland, ayaa jaangoysay qiimaha lasiin karo shidaalka Somaliland yimaada oo qaaliyoobay.

3/28/2021 11:16 AM EST
Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay isla markaana dalacsiiyay hablo saraakiil ah oo katirsan ciidanka RRU.

3/28/2021 9:56 AM EST
Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargaliyay in maalinta berri ah ay ka soo qeybgalaan fadhi uu yeelanaya Golaha, kaasoo la sheegay in ajandihiisu yahay dhibaatada uu wadanka ku hayo caabuqa Covid 19

3/28/2021 8:57 AM EST
Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaanadii laga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada barlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka uu soo saray guddoomiye Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal.

3/28/2021 7:08 AM EST
Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Ciidamo Puntland ah oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa jidgooyooyin cusub dhigtay wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe, iyagoo masuuliyiinta Puntland ka mamnuucay isticmaalka wadadaas.

3/28/2021 6:00 AM EST
Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) -Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa helay dawadii ugu horeysay ee Tallaalka cudurka 'Covid-19'.

3/28/2021 5:48 AM EST
Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in uu ku sii fidanayo deegaannada uu gobolku ka kooban yahay caabuqa Covid 19.

3/28/2021 1:12 AM EST
Axad, Maarso, 28, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen madaxii Qaraxyada Al-shabaab gobolka.