4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 27, 2021
Akhriso Magacyada : 15 kamid ah xildhibaanada golaha shacabka oo laga mamnuucay fadhiyada barlamaanka ee soo socda
 

Sabti, Maarso, 27, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal  Sheikh Cabdiraxman ayaa soo saaray go'aan 15 kamid ah Xildhibaan golaha shacabka looga joojiyay fadhiyada barlamaanka ee soo socda.

Xildhibaanadan oo lagu tiriyo mucaaradka dowladda ayaa lagu eedeeyay inay fowdo ka kiciyeen xarunta barlamaanka islamarkaana ay hor istaageen Furitaanka fadhiga looga hadli lahaa COVID19.

Xildhibaanadan ayaa golaha ka maqnaandoona shanta fadhi ee soo socda, xilli lagu wado in barlamaanka uu ka dooddo arrimo xasaasi ah oo taabanaya doorashada lagu muransan yahay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddoomiyaha.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online