4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 27, 2021
Faysal Cali Waraabe “Waxaan ka baqayaa in ay maamul-xumo ina baabiiso”
 

Sabti, Maarso, 27, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeya  xukuumada madaxweyne Biixi maamul-xumo.

Faysal ayaa sheegay in aanu Somaliland uga baqayn cadaw shisheeye balse, uu uga baqayo in maamul-xumo waxyeelayso, sida uu hadalkiisa udhigay.

“Intaa Somaliland jirtay maanta waxan uga baqayaa uun in ay maamul-xumo ina baabiiso, cadaw shisheeye ka baqimayno” ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

“Wataa maanta la xidh xidhayo musharixiinteeni, ma musharax wasiirkii qabiilkiisa kasoo jeeday uu xidhad aragtay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faysal.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay, in hadii uu mudaharaadi lahaa uu dalka u tudhayo madama oo madaxweynuhu aanu u tudhi doonin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Anagu waxaanu isleenahay hadaad yur yur tidhaahdaan dalka burburi doona, Muuse na dalka u tudhi mayo” ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]