4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 27, 2021
Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday kaddib buuq ka dhashay qabsoomidiisa

 

Sabti, Maarso, 27, 2021 (HOL) - Waxaa buuq iyo is qabqabsi ku soo idlaaday kulan ay maanta u balansanaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu wadday in uu ka dhaco xarunta Villa Hargeysa.

Kulanka oo xalay lagu wargaliyay mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ajandihiisa lagu sheegay in uu la xiriiro ka hadalka saameynta uu dalka iyo dadka ku yeeshay caabuqa Covid 19, hasse ahaatee daqiiqdihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxday hadal heyn kale oo ah in ajandahaasi uu ku hoos jiro muddo korarsi, waana tan keentay in ay buuq ka sameeyaan xildhibaannada qaarkood.

Waxaa la maqlayay buuq iyo sawaxan ay sameynayeen mudanayaasha qaar markii uu soo galay guddoonka Baarlamaanka oo markii danbe isaga tagay goobta.

Xildhibaannada qaarkood ayaa ku eedeeyay in ay jiraan mudanayaal is hortaagay qabsoomida kulanka oo maanta kuwaa oo diiday in ay saxiixaan buugga isxaadirinta, dhinaca kalana ka horyimid in uu fadhigu qabsoomo.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoonka Golaha Shacabka oo la xiriira arintan dhacday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]