4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2021
Qarramada Midoobey '' Ma taageerri doono muddo korarsi ama doorasho hal dhinac ah

 

Arbaco, Maarso, 24, 2021 (HOL) - War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin mudo korarsi ama doorasho hal dhinac. 

“Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM.

Warkan kooban ee ka soo baxay Qarramada Midoobey ayaa imanaya xili wali uu jiro ismariwaa la xiriira doorashada Soomaaliya, iyadoo lagu guuleysan la yahay in meel leysugu keeno madaxda Soomaalida si ay arintan uga wada hadlaan.

Madaxweynayaasha Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa wali ka biyo diidan in ay soo fariistaan miiska wadahadalka iyaga oo marka hore dalbanaya in wax laga qabto qoddbo dhowr ah oo uu baahan in la meel mariyo ka hor wada hadallo laga galo arinta doorashada.

Laakiin beesha caalamka oo dadaalka ugu badan ku bixinaya sidii uu u miro dhali lahaa shirarka hadda socda ee dhinacyada loogu kala dabqaadayo ayaa cadaadis ba'an ku saaraya dhinacyada ay arintan ku quseyso in ay gaaraan heshiis kama danbeys ah si dalku doorasho u aado.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]