4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2021
Axmed Madoobe oo xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan

 

Arbaco, Maarso, 24, 2021 (HOL) -Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmd Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa xilka Wasiirkii Amniga maamulkaasi looga qaaday Cabdirashiid Janan.

Wareegtadan ka soo baxday madaxweynaha Jubbaland ee xil ka qaadista ah ayaa imaneysa xili saacadihii aynu soo dhaafnay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu jiro wadahadal hoose oo u bilaawday Cabdirashiid Janan iyo dowladda Soomaaliya kaddib dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degmada BeledXaawo horraantii sanadkan,

Cabdirashiid Janan oo la hadlay BBC ayaa qiray wadahadalka u dhaxeeya isaga iyo dowladda Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan oo sanadihii ugu danbeeyayba ku sugnaa xadka Kenya uu la wadaago gobolka Gedo ayaa halkaa ka wadday aabul dagaal oo ka dhan ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Beledxaawo, waxaana horraanttii sanadkan looga itaal roonaaday dagaal culus oo gudaha degmada Beledxaawo ku dhaxmaray xoogag isaga taacbacsanaa iyo ciidamada dowladda Soomaaliya. 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]