4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 20, 2021
Somaliland: Tirada dadka uu haleelayo caabuqa Covid-19 oo sii kordhaysa
 

Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Somaliland waxa sarre u kac ku yimid tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid-19, sidoo kalena tirada dhimashada ayaa kor u kacday.

Tan iyo intii uu soo laba kacleeyay caabuqa Covid-19, ayaa waxa uu xanuunku sixawli ah ugu fidaya badiba gobolada Somaliland.

Gobolada Saaxil iyo Togdheer ayaa lagu waramaya in ay safka hore kaga jiraan, tirada dadka uu caabuqu haleelay.

Isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac, oo waraysi siinayay idaacada VOA ayaa ka warbixiyay xalada Covid-19 ee gobolka.

“625 qof  ayaa la badhay waxana laga helay 161 qof, waa tiro aad iyo aad u saraysa, saddex qof ayaana sanadkan u dhintay” ayuu yidhi Dr. Bashiir.

“xaalada xanuunku way soo kordhaysa, waxan aad iyo aad ugu boorinaya bulshada in ay dareen kooda nasiiyan oo anay kaftan u qaadan waxan aanu maalin walba ka hadlayno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr. Bashiir.

Isuduwaha ayaa sidoo kale sheegay in hadii 100 qof la baadho 20-30 kamida caabuqa laga helo taasi oo muujinaysa kor-ukac xawli ah.

Dhanka kale badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa bulshada bogolka ku booriyay in ay isbaadhan.

“Waxan ka codsanayaa dhamaan Togdheer ninkii isku arka qofac in uu is baadho, waa bilaash, waala baadhayaa, hadii laga helana waa la karantinimaynaya, hadii laga waayana gurigiisa ayuu tagaya” ayuu yidhi guddoomiye Xayd.

Hadaba xaalada xanuunku kuma koobna oo kaliya labada gobol ee aynu horay usoo xusnay balse dhibaatadu waa mid wada saamaysay dhaamaan gobolada, haba kala darnaadan eh.

Guud ahan Somaliland tirada guud ee caabuqa laga baadhay tan iyo sanadkii hore waa 35363, tirada dhimashadu waa 98 qof halka 1913 qof na ay ka bogsadeen.

Masuul u hadlay Wasaarada caafimadka Somaliland ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan wacyigalinta la xidhiidha faya-dhawrka iyo ka taxadarida caabuqa.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]