4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 20, 2021
Danjire Abuukar Baalle: Kenya waxba kama bedeli karto dhegaysiga dacwaddii badda ee lasoo gabagabeeyay
 

Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan Baalle, ayaa sheegay golaha ammaanka in aanay wax shaqo ah ku lahayn go’aanada ay gaarto maxkamada caddaalada adduunka ee ICJ, oo soo gabagabaysay dacwadda badda.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan Baalle, ayaa sheegay golaha ammaanku inay shaqadiisu tahay fulinta go’aamada kasoo baxa maxkamada caddaalada adduunka.

Wuxuu danjiruhu sheegay in Kenya aysan waxba uga suurto gali karin qorshaheeda ku aadan in ay ashtako u gudbiso golaha ammaanka, iyadoo u sheegaysa in aanay ku qanacsayn dacwadddii badda ee maxkamadu soo gabagabaysay.

“Maxkamada caddaalada iyo golaha ammaanka waa labo xubin oo siman. ICJ waa maxkamad madax bannaan, waxyaabaha ay Kenya faafinayso waa waxyaabo aanan waxba ka jirin,” ayuu yiri Abuukar Baalle oo qeyb ka ahaa wafdigii dowladda Soomaaliya u matalayay dacwadda Badda.

 Abuukar Baalle ayaa sidoo kale sheegay in Kenya uusan cudur daar u noqon karin in xaakimiinta dacwadda qaadayay uu qeyb ka ahaa CabdiQawi Yuusuf oo asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda.

“Cabdiqawi wuxuu kamid yahay xaakimiinta sumcadda wanaagsan leh ee maxkamada ICJ, waxaana lagasoo doortay shirka golaha guud ee qaramada Midoobay,” ayuu yiri Baalle.

Dhawaan, maxkamada ICJ ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo go'aanka dacwadda badda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online