4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 20, 2021
Puntland oo maanta shaacisay xilliga ay bilaabayso tallaalka Covid-19
 

Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in ay tallaalka Covid-19 billaabandoonaan 27 march, inta ka horraysana ay sameyn doonaan diiwaan galinta dadka qaadanaya.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa Puntland u soo dhiibtay 40,000 oo kamid ah tallaalka Covid-19, kadib markii hay’adda caafimaadka adduunka ay Soomaaliya u keentay 300,000 tallaalka Covid-19.

Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa sheegay in macalimiinta iyo ciidamadu ay safka hore kaga jiraan dadka ka faa’idaysandoona tallaalka Covid-19, isagoo sheegay in muddo toban cishe ah uu tallaalka socondoono.

Puntland ayaa kamid ah meelaha aadka ugu faafayo cudurka Covid-19, inkastoo wasaaradda caafimaadka Puntland aysan bixin macluumaad joogto ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online