4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 19, 2021
Kenya oo si gaar ah eedeyn ugu jeedisay Garsoore Cabdulqawi Yuusuf

 

Jimco, Maarso, 19, 2021 (HOL)-Dowladda Kenya oo bayaan ay soo saartay ku fisirtay sababaha ku kalifay in ay qaadato go'aanka ka dhan ah maxkamada ICJ oo maalmihii ugu danbeeyayba ku howlaneyd dhageysiga dacwadda ka dhanka ah kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, ayaa si gaar ah eedeyn ugu jeedisay Garsoore Cabdulqawi Yuusuf oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya

Cabdulqawi oo hadda ka mid ah garsoorayaasha maxkamada caalamiga ah ee ICJ dhinaca kalana horay u soo noqday madaxweynaha maxkamadda, ayeey ku eedeysay Kenya in uu dhinac u janjeero marka laga hadlayo doodda ku saabsan khilaafka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Kenya ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in Cabdulqawi uu horey Soomaaliya ugu matalay shirkii caalamiga ahaa ee Qaramada Midoobey ee looga hadlayay arrimaha shuruucda badda.

Laakiin maxkamadda ICJ ayaa ku gacanseyrtay  dalab ay horay Kenya u soo gudbiyeen oo ahaa in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda,,madaama dhowr jeer oo hore laga aqbalay xili dowladda Soomaaliya mar walba diyaar u aheyd in la gudagalo qaadista dacwadda la xiriirta kiiskan.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay  in dacwadda Badda ee kala dhaxeyso Soomaaliya ay jirto gacan sadexaad oo dano ganacsi leh, kuwaas oo xaalada sii hurinaya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]