4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 19, 2021
Dowladda Kenya oo war kasoo saartay sababta ay uga baaqatay Dacwadda Badda
 

Jimco, Maarso, 19, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya waxay war rasmi ah kasoo saartay sababta ka dambeysay iney ka baaqato Dacwadda Badda ee kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo aay soo saartay Kenya ayay ku faahfaahisay sababta aay uga qeybgali weysay Dacwada Badda iney tahay Cadaalad darro aay sheegtay iney ka tabaneyso Maxkamada ICJ, iyo Cudurka COVID-19 oo aay sheegtay inuu dib u dhigay diyaar garowgii aay sameyn lahayeen, iyo waliba garsoore  Cabdulqawi Yuusuf oo ah garsoore Soomaali ah.

Kenya ayaa intaasi ku dartay in dacwada Badda ee kala dhaxeyso Soomaaliya aay jirto gacan sadexaad oo dano ganacsi leh, kuwaas oo xaalada sii hurinaya, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore ka baaqatay Dacwada Badda iyadoo codsaneysay in dib loogu dhigo, lakiin maxkamada cadaalada aduunka ayaa ku gacan seyrtay markii ugu dambeysay oo aay Kenya codsatay in Dacwada Badda dhageysigedda dib  loogu dhigo 15-kii bishan, iyadoo maxkamadana aay xaadirtay Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]