4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 19, 2021
Gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo lagu rasaaseeyay duleedka degmada Maxaas
 

Jimco, Maarso, 19, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Waradhuumale oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi lagu rasaaseeyay gaari rakaab ah oo aay saarnayeen dad shacab ah.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa noociisu ahaa Leyla Calaawi kasoo kusii jeeday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ilaa 5 ruux oo ka mid ahaa rakaabkii sarnaa gaariga oo uu ka mid yahay canug yar oo laba jir ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta lagu furay gaariga rakaabka ahaa, waxaana dhaawacyada dadka masaafurka ahaa ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Guricel ee gobolka galgaduud.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa rasaasta lagu furay gaariga iyo shacabka saarna balse warar hoose ayaa sheegaya iney la xiriirto aanooyin qabiil.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]