4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 18, 2021
Qarax miino oo goor dhaw ka dhacay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

 

Khamiis,Maarso, 18, 2021 (HOL) -Qarax Miino ayaa goordhow ka dhacay agagaarka KM4 ee Muqdisho kaddib markii ay ciidamada Amniga xireen goobta qaraxan la soo dhigay oo ay ku wargaliyeen dad arkay miinada goobta la soo dhigay.

Qaraxa ayaa markii hore waxaa arkay dad goobta ka agdhawaa kuwaa oo ku wargaliyay ciidamada Amaanka oo xiray goobta una diiday dhaqdhaqaaqa dadweynaha, hasse ahaatee miinada ayaa qaraxday wax yar uun ka hor inta aysan soo gaarin kooxda miino baarista oo ay ciidamadu wargaliyeen.

Lama sheegin cid wax ku noqotay balse waxaa goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah oo inta badan marka ay sidan oo kale qaraxyadu dhacaan markiiba tagay aaga ay wax ka dhaceen si ay u cawiyaan haddii ay jiraan dad wax ku noqday.

Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa ku soo kordhayay qaraxyada loo adeegsanayo miinada oo lagu bartilmaameesado mas'uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]