4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 18, 2021
Maxkamadda ICJ oo galabta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda Badda

 

Khamiis,Maarso, 18, 2021 (HOL) -Maxkamadda ICJ ayaa ugu danbeyntii galabta soo gabagabeeysay dhageysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la dhageysanayay oo kaliya qareennada Soomaalida kaddib markii ay Kenya ka baaqsatay ka qeybgalka doodda Maxkamadda.

Dhageysiga dacwadda oo soo bilaabatay 15-kii bishaan Maarso, waxaa Soomaaliya ku matalayay Ergo uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah.

Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100,000km oo isku wareeg ah, dacwaddani waxaa ay billaabatay sanadkii 2014-ka, waxayna soo martay marxalado kala duwan.

Lama oga go'aanka ay maxkamaddu qaadan doonto madaama la soo gabagabeeyay dacwadda, hasse ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka qabta in maxkamaddu qaadan doonto go'aan meesha ka saaray sheegashada Kenya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]