4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 18, 2021
Madasha badbaado qaran oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho
 

Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland, golaha siyaasiyiinta Somaliland iyo midowga musharrixiinta ayaa ku dhawaaqay madal ay ku midaysan yihiin oo lagu magacaabo madasha badbaado qaran.

Madashan oo guddoomiye looga dhigay guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen waxay sheegeen in ay muhiim tahay badbaadinta qaranka iyo sidii  dhakhso loogu qaban lahaa doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Madashu waxay sheegtay in ay ka shaqeynayso qabsoomida doorasho wada oggol ah oo si nabad ah ku dhacda iyo ka hortagga dalku inuu galo fashil siyaasadeed oo horseedi kara dib u dhaca geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay madasha.





Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online