3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 18, 2021
Shirkadda isgaarsiinta Somtel oo furtay saamiyadda cusub ee sanadka 2021


Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) - Shirkadda Somtel ayaa daahfurtay saamiyada cusub ee sanadkan 2021, kadib shirkeeda sannadlaha oo maalintii shalay ay ku qabsatay Hotel Giyaajo ee magaalada Muqdisho.

Shirkadda Somtel ayaa bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigay saamiyo kala duwan oo ay maalgashan karaan, si ay uga mid noqdaan mulkilayaasha shirkadda Somtel.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka shirkadda.

Shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo soo agaasintay Xaflada sanadlaha ee saamileyda somtel iyadoo sidoo kale shirkaddu daahfurtay saamiyo cusub sanadkan 2021.

Munaasabadan oo lagu Qabtay Hotel Giyaajo ayaa waxaa ka soo qeybgalay Qeybaha kala gedisan ee bulshada Sida Ururada Dhaliinyada, Aqoonyahanada, Ururada Haweenka, Ganacsato iyo Shaqsiyaad Caan ah, Mas’uuliyiinta Ugu sareeysa shirkadda isgaarsiinta sotel & Dahabshil Group Intaba.

Munaasabadaan oo ay bulshadu aad u daneeynayeen ayaa Waxaa laga dareemay hoolka ay munaasabada ka dhaceeysay & dad weynaha kale ee baraha bulshada ee shirkadda su’aalaha ka soo weydiinayay Iyadoo Saamiyada laga daahfuray  Suuqyada Somtel Somaliland & Somtel Puntland.

Ugu horeyntii Waxaa munaasabada Hadal jeedin rasmi ah ka sameeyay madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane:C/laahi Cali Caamir Oo ku dheeraaday ahmiyada Saamileyda shirkaddu u leeyihiin

“isagoo tilmaamay inay ka qeyb –qaataan suuq-geynta adeegyada shirkadda Waxa uu na ku dhiirageliyaya in fariinta shirkadda ay gaarsiiyaan.”

Sidoo Kale Waxaa munaasabada ka hadlay Saamileyda shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo Codkooda uu ku hadlayay Mudane C/raxmaan Cumar Wiresh Oo Tibaaxay.

Mudada Labada Sano aan ka mid nahay Saamileyda Somtel Waxa aan Helnay Faa’iido Dhaqaale Iyadoo shirkaddu La timid Istaraatiijyad  gaar ah oo Lagu Kobcinaayo Daqliga Shirkadda Si loo Xaqiijiyo qanaacada Saamileyda. Waxaan ugu baaqaaa Saamileyda Cusub inay Ku soo biiraanBahweynta Saamileyda ayna Kamid Noqdaan Milkiilayaasha guud ee shirkadda somtel”

Ugu Danbeyntii Waxaa munsaabada soo Xiray Maareeyaha guud ee shirkadda isgaarsiinta somtel

“U jeedada aan Daah-fureyno Saamiyada Wejigii Labaad Waa in macaamiisha Somtel ay ka mid noqdaan milkiilayaasha guud ee shirkadda Iyadoo Sanadkii 2018 Wejigii koowaad aan u furnay Macaamiisheena Saamiyo dhan (1033) Saami Waxaan rajeeyneeynaa in Sedex Sano kadib Macaamiishena sharafta leh U furno Saamiyo ka badan ay Kuwii ay shirkaddu Hory ugu furtay bulshada soomaaliyeed”

Waxaa xusid mudan in shirkadda Somtel sanadkii 2018  u daah-furtay bulshada soomaaliyeed  Wejigii 1aad saamiyadii ugu badnaa abid Iyadoo bulshadu soomaaliyeed ay ka wada qeyb-qaateen.

Macaamiishii ay horay u seegtay fursada Saami Ku darsashada Somtel  Wejigii Koowaad  ayaa Maanta soo buux Dhaafiyay Xafiisyada Saamiyada somtel Muqdisho si ay uga Faa’ideystaan Fursadaan  Taariikhiga ah oo ay Xiliyo badan sugayeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
3/18/2021 1:58 PM EST
Khamiis,Maarso, 18, 2021 (HOL) -Qarax Miino ayaa goordhow ka dhacay agagaarka KM4 ee Muqdisho kaddib markii ay ciidamada Amniga xireen goobta qaraxan la soo dhigay oo ay ku wargaliyeen dad arkay miinada goobta la soo dhigay.

3/18/2021 12:49 PM EST
Khamiis,Maarso, 18, 2021 (HOL) -Maxkamadda ICJ ayaa ugu danbeyntii galabta soo gabagabeeysay dhageysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la dhageysanayay oo kaliya qareennada Soomaalida kaddib markii ay Kenya ka baaqsatay ka qeybgalka doodda Maxkamadda.

3/18/2021 10:36 AM EST
Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland, golaha siyaasiyiinta Somaliland iyo midowga musharrixiinta ayaa ku dhawaaqay madal ay ku midaysan yihiin oo lagu magacaabo madasha badbaado qaran.

3/18/2021 7:21 AM EST
Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) - Guddiga Farsamada arrimaha doorashooyinka ee heer Federaal, heer Dowlad goboleedyad iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta shir uga furmay hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho.

3/18/2021 6:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) - Kaddib geeridii madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli, waxaa loo dhaarinayaa in ay madaxweyne ka noqto dalkaasi Samia Suluhu Hassan oo horay u aheyd madaxweyne ku-xigeenka dalka.

3/18/2021 3:52 AM EST
Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) - Wakiilka xoghayaha guud ee Qarramada Midoobey James Swan ayaa sheegay in khilaafka doorashada ee muddo dheerba soo socda uu cuuryaamiyay howlihii kale ee muhiimka u ahaa dowladnimada Soomaaliya.

3/18/2021 1:21 AM EST
Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) -Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa sheegtay in ay maanta dhageysan doonto gunaanadka dhageysiga kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.