4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 18, 2021
Wajigii labaad shirka guddiga farsamada doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay iyo Puntland iyo Jubbaland oo ka maqan
 

Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) - Guddiga Farsamada arrimaha doorashooyinka ee heer Federaal, heer Dowlad goboleedyad iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta shir uga furmay hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa la sheegay inuu hordhac u yahay shirka madaxda dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay ku yeelandoonaan Muqdisho, si doorasho wadar oggol ah loo qabto.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in uusan jirin wax shir horudhac ah oo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ku saabsan oo Muqdisho ka furmay.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in laga dhursugayo in shirkii lagu balansanaa laysugu yimaado si dhaqso ah.

Warar kale oo aan helayno waxay sheegayaan in ay Jubbaland aysan ka qeyb galin shirkan ka socda Decale.

Lama oga sababta labada maamul uga maqan yihiin shirkan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online