4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 18, 2021
Maxkamadda ICJ oo maanta dhageysaneysa dooddii ugu danbeysay muran Baddeedka Soomaaliya iyo Kenya

 

Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) -Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda  ICJ ayaa sheegtay in ay maanta dhageysan doonto gunaanadka dhageysiga kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa  war ay soo saartay ku sheegtay  in kadib dhageysiga maanta ay guda geli doonto gaarista go’aanka kiiskan, islamarkaana ay xukmin doonto, inkasta oo aysan shaacin waqti rasmi ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shaaca ka qaaday in maalinta beri ah la soo gabo gabeyn doono dhageysiga kiiska dacwadda baddeenna ee ay muranka gelisay Kenya.

Mahdi Gulleed ayaa intaa ku darray maanta 03:00pm xilliga magaalada Hague ee dalka Holland ay maxkamadda caddaaladda adduunka dhageysan doonto gunaanadka dacwadda baddeenna.

“Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa galabta 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeenna ee inagala dhaxaysa Kenya”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Maxkamada ayaa dhinaca la sheegay in ay ku gacanseyrtay codsi uga yimid Kenya oo bilowgii dooddan sheegtay in ay isaga baxday dacwadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa markan fursad weyn u aragta ka bixitaanka dacwadda ee dhinaca Kenya taasoo muujineysa in markii horeba Kenya ku kalsooneyn dooddeeda la xiriirta muran baddeedka kala dhaxeeya Soomaaliya

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]