4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2021
Madaxweynaha Galmudug oo kulamo kala duwan ka wada magaalada Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 17, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la  yeeshay qeybaha kala duwan ee siyaasadda dalka iyo wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa xalay qaabilay xubno ka tirsan midowga Musharixiinta dalka ee sida weyn uga soo horjeeda siyaasadda madaxtooyada Soomaaliya ay ku wajaheyso doorashada, waxaana kulankaa ka horeeyay mid uu la yeeshay wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulmadan ayaa qeyb ka ah wada hadallada loogu gogol xaarayo shirka dhawaan la filayo in ay yeeshaan madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Midowga musharixiinta ayaa horay sidan oo kale shirar kala duwan ula yeeshay madaxda dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan magaalada Muqdisho,

Shirka ay bulshasda caalamku ku baaqeen ayaan wali la ogeyn xiliga uu furmayo, waxaana jira sida warar hoose oo soo baxaya sheegayaan in madaxda qaar ka cagajiidayaan ka qeybgalka shirka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]