4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2021
Dhulka Alshabaab uu maamulo oo lagasoo sheegayo in ay dad ugu geeriyoodeen cudurka Covid-19
 

Arbaco, Maarso, 17, 2021 (HOL) - Dhulka ay ka talinayaan ururka Alshabab ayaa lagasoo sheegayaa in ay dad badani ugu geeriyoonayaan cudurka Covid-19, xilli degaanadaasi aanay ka jirin xarumo caafimaad oo lagula tacaalo dadka qaba Covid19.

Wararka aan kasoo xiganay ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayan, in meelo katirsan gobolada Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka ay ka jirto xaalad culus oo cudurka Coronavirus ah.

Sidoo kale, magaalada Ceel buur ee gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in dad ku dhow 1o qof ay ugu geeriyoodeen cudurka Covid-19.

Alshabaab ayaa maalmo ka hor soo saaray farriimo wacyi galin ah oo ay dadka ku siinayeen talooyin ku aadan sida la iskaga ilaalin karo Covid-19.

Alshabab lagama ogola deegaanadooda qalabka af-saabka, (Facemask) waxayna dadka u sheegeen in ay isticmaalaan maryahooda in ay afka ku duubtaan iyo in ay badiyaan fara dhaqashada.

Inkastoo Alshabaab aad u ilaaliyaan xogta cudurka, hadana waxaa jira dad qaba oo caafimaad u soo raadsada dhulka ay dowladda ka taliso sida magaalooyinka laga heli karo adeegga Covid-19.

Sanadkii hore, wakaalado caalami ah ayaa qoray in saraakiil Alshabaab ah ay u geeriyoodeen cudurka Covid-19, taasoo markii dambe keentay in ay Alshabab si dhab ah u qaataan qatarka cudurka.

Hiiraan Online News Disk