4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 16, 2021
Diyaarad sidda Tallaalka COVID-19 oo maanta soo gaadhay Hargaysa


Talaado, Maarso, 16, 2021 (HOL) - Qaybtii ugu horaysay ee talaalka ka hortaga caabuqa Covid 19, oo la gaadhsiin doono 65 kun oo qof, ayaa maanta soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Talalkan ayaa la gaadhsiin doona shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeeya goobaha lagama maarmaan ka ah.

“halkan maanta waxanu kula wareegaynaa talaal loogu talo galay 65 kun oo qof oo wasaarada caafimaadku ay bil kahor bilawday qorshaha cidii lasiin lahaa” sida waxa yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi.

“waxa loogu horaysiinayaa shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo shaqaalaha kale ee ka hawl gala goobaha ilaha dhaqaalaha ah sida madaarada” ayuu wasiir Cumar hadalkiisa sii  raaciyay.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in qaybo kale oo talal ahi ay iman doonan isla markaana uu qorshuhu yahay in la talaalo 20% kamida bulshada Somaliland.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]