4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Somaliland: qalab cusub oo soo gaadhay dakada Berbera
 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL)- Dakada magaalada Berbera ayaa lasoo dagtay wiishash ka alaabada lagaga rogo maraakiibta ee loo yaqaano (port cranes).

Markab sida wiishashka maraakiibta lagu rogo laguna raro ee loo yaqaano (port cranes) ayaa ku soo xidhay dakada cusub ee magaalada Berbera.

Mareeyaha guud ee dakadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa ka warbixiyay qalabkan cusub ee ay dakadu lasoo dagtay.

“waa wiishashkii caalamiga aha, ee aynu koontinar terminal ka ku gaadhsiinaynay koontiinarada” ayuu yidhi mareeye Siciid.

“Dakadii 95% waa gaba gabo, dhismayaashi iyo barxadii dhexe oo aanu hore idiinku sheegnay buuxinteeda ayaa hadhay” ayuu maareeye Siciid hadalkiisa sii raaciyay.

Masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo dagmada Berbera ayaa iyaguna soo dhaweeyay qalabkan cusub ee ay Dakada Berbera lasoo dagtay.

“Waxaan leeyahay riyadii qaranku way rumoobaysa, waa hubaal, waxaynu u socona in aynu dawladaha jaar keena iyo Afrika inteeda badan ba ka horumarno” sida waxa yidhi duqa dagmada Berbera Cabdishakuur maxamuud Xasan (Cidin).

“Markab sida qalabkii lagu guri lahaa alaabaha culculus ayaa saaka isasoo taagay, runtii horumar wayn bay inoo tahay” sida waxa yidhi badhasaabka gobolka Saaxil, Dr. Axmed Maxamed Xasan.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]