4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Somaliland oo sahamin ku samaynaysa caabuqa Covid 19
 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL)- Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa samaynaysa sahamin lagu ogaanayo tirada dadka uu caabuqa Covid 19 haleelay.

Sahamintan oo ay gacan kagaysanayso hay`adda caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa waxa lagu tirakoobi doona tirada dadka uu ku dhacay xanuun kani iyo dadka uu hada hayo.

“Waxa aynu doonaynaa bal in aynu ogaano dadkii uu xanuun kaasi ku dhacay ee ka bogsaday iyo dadka uu hada hayo” waxa sida yidhi agaasimaha guud ee wasarada caafimadka DR. Maxamed Cabdi Xergeeye.

“Waxa wadaysa khuburo wasarada caafimad ka iyo hay`ada caafimaadka aduunka iskugu jira, hogaaminta sahankan, iyo xogtiisaba waxa iskaleh wasarada caafimaadka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimuhu.

Sahamintan ayaa laga bilaabi doona dhamaan gobolada Somaliland maalinta barri ah ee 16 bishan Maarso 2021.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]