4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yasiin

 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa weerar kulul oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugida Soomaliya Fahad Yaasiin.

Jenaraal Xuud ayaa sheegay in Fahad Yaasiin oo ah taliyaha Hay'adda Nabadsugida Soomaaliya uu si gaar ah isugu magac daray ciidamada Gorgor oo uu sheegay in afka carabiga lagu yiraahdo Fahad taasina uu sheegay iney tahay mid ayaan darro ah oo uu soo hoyatay dalka.

"Ciidamada qaranka Soomaaliyeed waxaa loogu magacdari jiray astaamaha muhiimka ah iyo dhaqanka Soomaaliyeed tusaale ahaan guutada 60-aad waxay u taagan tahay xornimadii Soomaaliya, guutada 21-aad waxay u taagan tahay Kacaankii 21-kii Oktober waxayna ahayeen magacyadaasi kuwa la fahmi karo balse Gorgor oo uu Fahad Yaasiin isugu magacdaray mahan waxaan fahmi karno" ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Jenaraal Abuukar Xuud ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu ka shaqeeyo Caddaaladda uuna ka leexdo xaqa dadka waxii ka xaqdarana uu dadka ka hor wareejiyo hadii intaas laga waayana isaga la iska hor wareejinayo waa sida uu hadalka u dhigaye Jenaraal Abuukar Xuud oo ah hoggaamiyaha Golaha Kacdoona Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]