4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2021
Taiwan oo soo dhawaysay wakiilka uu Imaraatka carabta u soo magacaabay Somaliland
 

Isniin, Febraayo, 15, 2021 (HOL)- Safiirka Taiwan ufadhiya Somaliland Allen C. Lou ayaa u sacaba tumay wakiilka Imaraat ku usoo magacabay Somaliland.

Wakiilka Taiwan ayaa faalo uu ku qoray bogiisa Twitter ka ku bogaadiyay dawladda Imaraatka Carabta.

"Waan ku faraxsanahay in saaxibo badan oo aanu isku fikir iyo xulufo nahay ay la shaqaynayaan jamhuuriyada Somaliland" ayuu yidhi wakiilka Taiwan.

Taiwan oo ah dal aan aqoonsi caalamiya haysan, ayaa ahayd dalkii ugu danbeeyay ee wakiil usoo magacaaba Somaliland.

Dhinacakale waxa rajo laga qaba in dawlada Kenya ay iyaduna furato xafiis keeda Hargaysa badhtamaha sanadkan.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]