4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 14, 2021
Soomaaliya : 18 qof oo 24-saac gudaheed ugu geeriyooday cudurka Covid-19
 

Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) - Wasaaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 18 qof ay 24-saac ee ugu dambeeyay u geeriyoodeen cudurka Covid-19, waxayna sidoo kale diiwaan galisay 244 kiis oo cusub.

Waa tiradii ugu badnayd oo 24 saac gudaheed u geeriyoota cudurka Covid-19 oo si xowli ugu sii faafaya Soomaaliya haba ugu badnaadee gobolka Banaadir oo dadka ugu badan ay ku nool yihiin.

Kiisaska cusub ee la diiwaan galiyay waxaa ugu badan Puntland oo laga la helay 144 kiis, waxaana kusoo xiga Somaliland oo laga helay 45 kiis.

Gobolka Banaadir oo horay u ahaa meesha ugu badan ee kiisaska Covid-19, hadda waa ka yar yahay sidii hore, waxaana laga helay 29 kiis oo cusub.

Wasaaradda caafimaadka ma sheegin dadka u dhintay cudurka meelaha ay kala joogaan, balse maalin kasta tacsida dadka u dhinta cudurka ayaa laga dareemaa baraha bulshada.

Maalinta berrito ayaa la filayaa in dowladda federalka ay Muqdisho ka dhaqan galiso awaamiir dadka qasab looga dhigayo in ay xirtaan Af-saabka.

Qofkii xiran waaya ayaa lagu ganaaxidoono shan dollar ama xarig. Sidoo kale xarumaha ganacsiga ayaa lagu amray in aysan u oggolaan xarumahooda in ay soo galaan dadka aan xirnayn Af-saab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]