4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 14, 2021
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in uu doonayo in dastuurka la furo doorashada kadib
 

Isniin, Maarso, 14, 2021 (HOL-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in uu qorshaynayo in dastuurka Somaliland la furo doorashada kadib.

Guddoomiyaha oo la hadlayay qaar kamida taageerayaashiisa kasoo jeeda beelaha lahayb sooco ayaa sheegay in uu doonayo in dastuurka la furo.

“Baarlamaanka wanaagsani markuu inoo soo baxo, in aanu dastuurka furno ayaanu doonaynaa insha allah”. Ayuu yidhi guddoomiyuhu.

“Waxanu jecelnahay in aanu idiin bad baadino xildhibaanadiina ka qaybgalaya deegaanka iyo baarlamaanka”

“In aanu samayno hab aanay galin khamaar ee lahubo in ay soo baxayaan ayaanu samaynaynaa” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa kusii daray.

Guddoomiye Faysal ayaa hadalkan ula jeeda in marka dastuurka la furo lagu soo dari doono qodobo fursad u siinaya beelaha lahayb sooco ina ay helaan xildhibaano ku filan.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]