4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 14, 2021
Maxaa Kenya ku kalifay in ay isaga baxdo dhageysiga dacwadda Badda

 

Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) -Iyadoo maalinta berri ah lagu balansanaa maalinta koowaad ee dhageysiga dacwadda kiiska Badda ee ka dhaxeeya labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya ayeey xukuumadda Nairobi sheegtay in ay isaga baxday dhageysiga dacwadda..

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki ayaa sheegay in ka dowlad ahaan goor horeba ku sii wargaliyeen maxkamada ICJ in ay ka noqdeen ka qeybgalka dhageysiga dacwadda, iyaga oo warqada arintaan ku saabsanna la gaarsiiyeey maxkamadda sida uu xeer ilaaliyuhu sheegay.

Qoraalka uu sheegay xeer ilaaliyaha in ay u gudbiyeen maxkamadda ayaa lagu sheegay sababo dhowr ah oo ku kalifaya Kenya in ay dib u dhigto ka qeybgalka dhageysiga kiiskan, waxaana ka mid ah in ka qeybgalka dhageysiga dacwadda ee garsoore, Cabdulqawi Axmed Yusuf, oo dhalashadiisu Somaali tahay ay tahay mid shaki galinaysa kalsoonida lagu qabi karo in maxkamada ay dhexdhexaad ka noqoto dacwadda.

Sidoo kale waxaa warqada lagu sheegay in kiiska dhanka Kenya uu inta badan gundhigiisu yahay waxyaabo ay qareenada sharxayaan iyaga oo tusaale adeegsanaya islamarkana aan taasi lagu sameyn karin qaab maqal iyo muuqaal ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku darray in dowladda Kenya ay qaadan weyday in kiis sidan oo kale u culus dacwadiisa lagu galo hab maqal iyo muuqaal ah, sidaa daraadeed ay go'aankan u qaateen.

Waxaa kaloo meesha ku jira oo uu xeer ilaaliyuhu sheegay in xitaa qarreenada cusub ee Kenya ay qoratay wali yeelan kulan arintan ku saabsan sababo la xiriira faafitaanka cudurka Covid19.

Arrimaha oo dhan oo is biirsaday ayeey Kenya ku sheegtay in ay ku qasbanaatay in ay dib uga baxdo dhageysiga kiiska, hasse ahaatee lama oga go'aanka ay maxkamadda arrintan ka qaadan doonto, madaama berri la doonayo in lagu galo dacwadda iyo dhageysigeeda.

ICJ ayaa  go'aanada ay gaarto fulintooda waxaa ay u sii martaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo xaqiijiyo in la xushmeeyo oo loona hogaansamo go'aanadeeda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]