4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 14, 2021
Hay'addo ka soo jawaabay baaqa la xiriira wax ka qabashada xaalada Bani'aadannimo ee Soomaaliya

 

Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) - Shir jaraa'id oo ay magaalada Muqdisho u qabteen guddiga ay dowladda Soomaaliya u saartay gurmadka xaalada abaarta ee ka jirta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay helleen jawaabo heer caalami ah oo la xiriira wax ka qabashada xaalada abaarta.

Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo dhinaca kalana ah guddoomiyaha Guddiga ayaa warbaahinta u sheegay in hay'addo dhowr ah ka soo jawaabeen baaqii guddiga u direy.

Waxaa ka mid ah hay'addaha ka soo jawaabay baaqa dowladda Soomaaliya hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka Gargaarka Aadanaha ee UNOCHA, Bankiga Adduunka iyo Ururka iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka walaacsan xaalada ay wajahayaan 2.5 milyan oo qof oo ku nool dalka kuwaa oo la daala dhacaya dhibaatooyin ka dhashay Abaaraha iyo caabuqa Covid-19.

Meelaha qaar Soomaaliya waxaa ay wararku sheegayaan in ay jiraan dad haraad ugu dhintay, gaar ahaan gobolka Gedo oo dhibaatada ugu darran ee dhinaca abaarta laga soo sheegayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]