4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 14, 2021
Kenya oo sheegtay in ay ka baxday dacwadda badda ee kala dhexaysa Soomaaliya
 

Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) - Kenya ayaa sheegtay in ay ka baxday dacwadda badda seddex maalmood un ka hor intaan dacwadda dib loo bilaabin iyadoo daliishanaysa faafida COVID-19.

Waxay sidoo kale Kenya sheegtay in ay ka walaacsan tahay ka qaybgalka kiiska badda garsooraha Soomaaliyeed Abdulqawi Yusuf ee  horay u ahaa madaxweynihii ICJ.

Xeer ilaaliyaha guud kenya Kihara Kariuki ayaa u diray maxkamada caddaalada aduunka warqad ku taariikheysan 11-kii Maarso oo ku saabsan in Kenya ay ka laabaneyso dacwada kadib markii loo diiday codsigeeda.

Kenya ayaa ku dooddaysa in aanay haysan diyaar garow ku filan. Waxay sidoo kale xustay in masiibada Covid-19 ay ka xayuubisay ilihii dhaqaalaha si ay u maalgaliso awoodeeda kiiska badda.

Isku dayo Kenya ay ku doonaysay in kiiska dib loo dhigo ayaa fashilmay kadib markii maxkamada caalamiga ay xukuntay in kiiska aan mar kale dib loo dhigidooni.

Maqnaanshaha Kenya, Maxkamaddu waxay xor u tahay inay sii waddo dacwadda oo ay soo saarto xukunkeeda maadaama ay Kenya horay u soo gudbisay qoraallo ay maxkamadda u gudbisay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]