4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2021
Jigjiga oo lagu daahfuray tallaalka cudurka Covid 19
 

Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee caasimadda degaanka Soomaalida lagu daahfuray tallaalka cudurka Covid 19.

Xafladda daahfurka tallaalkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, oo isagu daahfuray tallaalkan, Wakiilo ka socda Hay'adda Caafimaadka Adduun (WHO) iyo marti sharaf kale.

Haddaba tallaalkan ayaa sida la qorsheeyay waxaa lagu bilaabi doonaa shaqaalaha  Caafimaadka, waxaana ku xigi doona dadka qaba xanuunada gaarka ah sida macaanka iwm.

Tallaalkan ayaa sidoo kale maanta laga daah furay guud ahaan Itoobiya, iyadoo dawladduna ay inta badan wado wacyigalinta ku aadan cudurkan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]