4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2021
Qoyska George Floyd oo magdhaw ahaan loo siiyay lacag dhan 27 million oo dollar

 

Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL) - Kaddib kulan ay yeesheen Golaha deegaanka magaalada Minneapolis  ayaa leysku raacay in la siiyo magdhaw gaareysa 27 million oo dollar qoyska uu ka dhintay George Floyd oo sanadkii hore bishii May uu dilay askari cadaan ah.

Askariga dilka geystay oo lagu magacaabo Derek Chauvin ayaa la arkayay isaga oo jilibka luqunta uga haya Floyd ilaa uu ka geeriyoodo, waxaana uu ku cataabayay in ay neefsashadu dhimeyso.

Magtan la siiyay qoyska uu ka dhashay Ninkan madowga ah ee sida arxan darada ah loo dilay ayaa noqoneysa tii ugu badneyd oo laga bixiyo qof rayid ah oo la dilay gudaha dalka Mareykanka.

Qoyska Floyd ayaa soo dhaweeyay magta laga bixiyay wiilkooda iyaga oo sheegay haddii aan dhacdadan laga duubi laheyn muuqaalo ay muran badanni dhalin laheyd sida uu u dhintay Floyd.

Dilkiisa ayaa sanadkii hore  gobollada dalka Mareykanka oo dil ka abuuray rabashado ay ka dhasheen khasaare xoog leh iyo burbur hantiyeed, taasoo siweyn u gilgishay guud ahaa dalkaasi Mareykanka.

Dhinaca kalena waxaa wali socda soo xulistii xeer-beegtida dacwada Derek Chauvin oo ah askariga loo heysto dilkii Floyd.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]