4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2021
Safiirka UK oo wada hadal la xiriira arrimaha doorashada la yeelatay midowga musharixiinta

 

Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL) - Kate Foster  oo ah safiirka cusub ee UK u qaabilsan Somaaliya ayaa markii ugu horreysay wada hadal la xiriira arrimaha doorashada la yeelatay Midowga Musharixiinta.

Wadahadalka labada dhinac ah oo ku dhacay Aalada Internetka (Zoomka) ayaa  leys kula soo qaaday sidii loo sii joogteyn lahaa wada hadalada la xiriira sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka wali ka jira arrmaha doorashooyinka.

''Wuxuu ahaa kulan wax ku ool ah oo aan la yeeshay Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha, waa muhiim in dhinacyada oo dhan is maqlaan,  UK waxey ku boorineysaa dhamaan dhinacyada in ay sii wadaan wadahadalka isla markaana la raadiyo waddo horay loogu mariyo doorasho lagu kalsoonaan karo'' ayeey tiri safiirka.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhaxmara safiirka cusub iyo midowga musharixiinta oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale wada hadal la yeeshay xubnaha kale ee caalamka ka jooga Soomaaliya.

Wali Soomaaliya waxaa heshiis buux laga gaarin doorashada waxaana dhawaan loo madlan yahay kulan dhaxmari doona madaxda dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]