4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 12, 2021
Meydka Cali Mahdi Maxamed oo goor dhaw laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho


 

Jimco, Maarso, 12, 2021 (HOL)  - Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho laga soo dajiyay meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Garoonka Aadan Cadde waxaa ku sugan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, dowlad gobolleedyada, gobolka Banaadir iyo midowga musharixiinta kuwaa oo dhamaan halkaa ku sugayay meydka Cali Mahdi Maxamed.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Aas Qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho marxuumka , waxaana lagu wadaa in lagu aaso degmada Yaashiid ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa ugu geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya cudurka saf marka ah ee Covid 19.

 Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]