4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 12, 2021
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya
 

Jimco, Maarso, 12, 2021 (HOL)  - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Golaha Amaanka Qaramada midoobay aay kulan xasaasi ah ka yeelanayaan saadacadaha soo socda xaaladaha cakiran ee ka taagan Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa lagu wadaa inuu Qaramada Midoobay u gudbiyo warbixinadii ugu dambeyay ee dadaalada Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa la sheegay in diirada lagu saari doono sidii loo qaban lahaa doorashada Soomaaliya loona meel marin lahaa heshiiskii Madaxda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada aay si wadajir ah u saxiixeen 17-kii September 2020.

Kulanka Golaha Amaanka yeelanayaan  sacadaha soo socda ayaa ku qabsoomaya habka Muqaalka fogaan aragga ah, halkaaso lagu falanqeyn doono xaalada murugsan ee ka jirta Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]