4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 12, 2021
Wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho oo Saaka xiran
 

Jimco, Maarso, 12, 2021 (HOL)  - Waxaa saaka xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana la arkayaa ciidamo badan oo lagu soo daadiyay wadooyinka kuwaas oo gaadiidka dadweynaha ka celinaya isgoysyada qaar.

Dadka shacabka ayaa ah kuwa lugeynaya wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, maadama ciidamada aay diideen isticmaalka gadiidka dadweynaha.

Inkastoo aanan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xiritaanka wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, walina aaysan wax war ah kasoo saarin dowladda Soomaaliya ayaa haddana warar hoose oo aay heshay Shabakadda HOL waxay sheegayaan xiritaanka wadooyinka iney la xiriirto aaska qaran ee loo sameynayo Madaxweynahii hore ee Soomaaliya alle ha u naxariiste Cali Mahdi Maxamed oo dhawaan ku geeriyooday dalka Kenya kaas oo lagu wado in maanta meydkiisa la keeno magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]