4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 11, 2021
Faysal Cali Waraabe: “1982 baan imid iyado hal qof oo wadani ahi aanu xafiisyada fadhiyin”
 

Khamiis, Maarso, 11, 2021 (HOL-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in markii Ingriiskii tagay ay reer Somaliland gumaysi kale galeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dawladii kacaanku ay gumaysi kale ahayd.

“1982 baan imid iyadoo waxaaso xafiisa qof reer Somaliland ahi aanu fadhiyin oo ay wadada shisheeye yihiin, oo laydin haysto, waxad ka baxdeen Ingiriiskii oo mid walowayn baad gasheen”. Ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ula jeeda in markii Somaliland ay ka xorawday gumaystihii Ingiriiska ay dawladii kacaanku gumaysatay markale.

“Goob kasta waxa joogay nin shisheeye ah oo aan u dhalan oo lacagtuun iska guranayay.” Ayuu Faysal hadalkiisa sii raaciyay.

Faysal ayaa sheegay in dagaalkii lala galay dawladii kacaanka uu aha dagaal lagu doonayay in qaranimada Somaliland lagu soo celiyo.

“Ujeedada ugu wayn ee aynu dagaalka u galnay waxay ahayd in aynu qaranimadeena soo ceshano, waxan kale ay sheegayaan ee qabiilka, cadaadiska iyo meelkasta wuu ka jiraa oo wax wada sax ahi majiro aduunka”. ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]