4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 11, 2021
Meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Berri la aasayo

 

Khamiis, Maarso, 11, 2021 (HOL) -Maalinta Berri ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno laguna aaso meydka alle ha u naxariisteen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Guddi ay dowladdu u saartay qabanqaabada aaska oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay habmaamuuska aaska marxuumka, waxaana markii uu kulanka guddiga soo dhamaaday la hadlay Warbaahinta Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in shaqada guddiga ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee  aaska qaran ee loo sameynayo madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Guddiga loo saaray Aska madaxweynihii hore oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]