4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 9 , 2021
Madaxweynaha Puntland iyo beesha caalamka oo Garowe kaga wada hadlay arrimaha doorashoyinka
 

Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garowe kula kulmay wafdi ka socday beesha caalamka oo uu hoggaaminayay wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, kuwaas oo Garowe u tagay arrimo la xidhiidha dardar galinta geeddi socodka doorashooyinka.

Madaxweyne Deni ayaa u sheegay wafdiga beesha caalamka James in ay Puntland ku qanacsan tahay sida arrimaha doorashooyinku u socdaan gaar ahaan shaqada ay hayaan guddiga loo xil saaray xallinta caqabadaha ka jira guddiyada doorashooyinka.

“Waxaan ka wada hadalnay dardar galinta iyo dhaqan galinta heshiiskii 27 may. Waxaan ku kala war qaadanay arrimaha doorashada. Waxaan rajeynayaa in waxyaabaha ka dhiman sidii loo qorsheeyay ay u dhacaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahad celiyay beesha caalamka in ay u muujiyeen in ay diyaar u yihiin taageerida dhaqaalaha ku baxaya hirgalinta doorashooyinka , wuxuuna ku ammaanay in beesha caalamku kaalin muhiim ah ku leeyihiin dib u dhiska dalka.

Tagitaanka Garowe ee wafdiga beesha caalamka ayaa kusoo beegmay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Madaxweyne Dani uu dalbaday in liiska guddiyada doorashooyinka laga saaro xubno kasoo galay dhinaca Puntland laganasoo magacaabay xafiiska raysal wasaaraha.

Weli lama shaacin isbedelka lagu sameeyay guddiyada doorashooyinka, waxaana weli uu muran ka taagan yahay xubnaha lagusoo bedelay kuwii laga saaray guddiyada doorashooyinka iyo qaar kaloo aan weli la bedelin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online