3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 9 , 2021
Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhoweeyay shaqada guddiga xaqiiqo raadinta
 

Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay tallaabooyinka ay qaadeen guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ee loo xil saaray kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhinaca kale codsaday in si daah furan oo madax bannaan u soo bandhigaan habraaca iyo hannaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada.

Midowga Musharaxiinta waxay sidoo kale dalbadeen in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hannaan daah furan oo ku saleysan habraacyadii iyo heshiisyada doorashooyinka, si looga hortago in mar kale ay guddiyada doorashada ka mid noqdaan xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xubno taageerayaal u ah shaqsiyaad gaar ah.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/9/2021 1:17 PM EST
Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa taageeray Cabdikariim Axmed Mooge, oo kasoo baxay xisbiga Waddani in uu noqdo mayor ka Hargaysa, kadib markii xisbiyada mucaarad ku isku khilaafeen mayor nimadiisa.

6/9/2021 11:56 AM EST
Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garowe kula kulmay wafdi ka socday beesha caalamka oo uu hoggaaminayay wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, kuwaas oo Garowe u tagay arrimo la xidhiidha dardar galinta geeddi socodka doorashooyinka.

6/9/2021 11:17 AM EST
Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Somaliland Yurub Abiib Cabdi, oo u jawaabaysa wasiir ka haweenka ee dowlada Soomaaliya Xaniifa Xaabsade, ayaa tidhi “Somaliland iyo Soomaaliya shaqo iskuma laha”.

6/9/2021 10:27 AM EST
Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Guddiga sare ee farsamada doorashooyin dalka ee uu magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kulan koodii ugu horeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho wax ka yar 24 saacadood oo aanan wali kasoo wareegan magacaabistooda.

6/9/2021 9:26 AM EST
Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Maxkamada racfaanka ee ciidamada qalabka sida Puntland ayaa soo afmeertay dhegaysiga dacwad racfaan qaadasho oo ay usoo gudbiyeen qareeno udoodaya rag dil lagu xukumay oo lagu sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab kana dambeeyaan qaraxyada iyo dilalka Gaalkcyo.

6/9/2021 7:19 AM EST
Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku wada yeeshay Guddiga qaban-qaabada maalmaha Xoriyada dalka iyo Hay'addaha kala duwan ee amniga dalka Soomaaliya.

6/9/2021 6:39 AM EST
Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Daaynuunaay ee gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus oo saacado badan qaatay uu halkasi ku dhaxmaray ciidamada dowlada Fedaraalka iyo kuwa Al-shabaab.

6/9/2021 2:03 AM EST
Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi sare ee farsamo oo u qaabilsan hirgelinta arrimaha doorashooyinka dalka.

6/9/2021 1:35 AM EST
Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa goob fagaare ah lagu dharbaaxay xili uu safar ku marayay deegaano ku yaala Koofur bari dalkaasi oo uu ku guda jiray booqasho maalintiisa labaad aheyd uu ku marayo dalkiisa.