4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 9 , 2021
Guddiga sare ee farsamada doorashooyinka dalka oo soo saaray qodobo xasaasi ah
 

Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Guddiga sare ee farsamada doorashooyin dalka ee uu magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kulan koodii ugu horeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho wax ka yar 24 saacadood oo aanan wali kasoo wareegan magacaabistooda.

Guddiga ayaa kulankooda maanta diirada ku saaray sidii aay u fulin lahayeen howlaha adag ee horyaala Raysal wasaaraha Soomaaliya uu iyaga u igmaday iney ka taageeraan, taaso ah hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta.

Waxay shaaciyeen guddiga sare ee farsamada doorashooyinka dalka afar qodob oo aay kaga taageeri doonaan Raysal wasaare Rooble doorashada loo xilsaaray inuu dalka ka qabto.

Guddiga waxay Raysal wasaare Rooble ka taageeri doonaan sadaxda qodob ee hoos ku xusan ayaa lagu yiri.

1- In qodobadii heshiiska lagu gaaray shirkii golaha wadatashiga qaran ee 27-may-2021 loo fuliyo si habsami leh.

2- Xiriirinta dhamaan Hay'adaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka si loo hagaajiyo xiriirka hay'adaha wada shaqeynaayo.

3- In taageero farsamo uu siiyo guddiyada doorashooyinka.

4- Xiriirinta XR, Golaha wadatashiga qaranka iyo Beesha Caalamka.

Guddigan ayaa u muuqanaya kuwa dardar galinaya howsha culus ee uu u xilsaaray Raysal wasaaraha Soomaaliya oo looga fadhiyo inuu dalka ka qabto doorasho loo dhan yahay oo lagu wada qanacsan yahay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]