3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 8 , 2021
Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Iskaashiga labada dal
 

Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Wafdigan ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaare Rooble Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho wafdiga ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdiga Sacuudiga ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Kulanka ayaa intuu socday waxaa diirada lagu saaray sidii dib loogu furi lahaa Safaarada dowladda Fedaraalka Soomaaliya aay ku leedahay wadanka Sacuudi Carabiya, waxaana la sheegay in la isku afgartay dib u furista Xarunta Safaaradda Soomaaliya oo mudooyinkii dambe xirneed.

Wafdiga Boqortooyada Sacuudiga ayaa uga mahadceliyay wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaare Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee uu u sameeyay, iyagoona balan qaaday iney sii kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/8/2021 8:19 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Waddamada reer Yurub, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka, xukuumada, koomiishanka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasada, sidi guusha lahayd ee ay u qabteen doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanka.

6/8/2021 8:12 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Hoggamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya ugu baaqay inuu si degdeg ah u soo faro galiyo walaaca laga muujinayo bedqabka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea.

6/8/2021 7:11 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Warbixin uu soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadii Soomaaliya ee tababarka ciidan ku qaadanayay dalka Eriteriya, ay ka qeyb qaateen dagaalada ka socda gobolka Tigray ee dalka itoobiya.

6/8/2021 6:40 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryenta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin, Maxamed Soomaali ayaa shaaciyay waqtiga kama dambeysta ah ee la furaayo ama xariga laga jaraayo dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

6/8/2021 5:23 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar oo magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa amaro cusub faray saraakiisha iyo ciidanka Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan koontaroolada laga sugo amaanka Muqdisho.

6/8/2021 2:18 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog ayaa ka dhacay Bar-koontarool oo aay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ku leeyihiin Xeebta Jasiira ee duuleedka magaalada Muqdisho.

6/8/2021 1:35 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Mandhera ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-shabaab aay weerar ku qaadeen goob aay ku sugnayeen ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo ku taala Waqooyiga Mandheera.