3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 8 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay waqtiga xariga laga jaraayo dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye
 

Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryenta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin, Maxamed Soomaali ayaa shaaciyay waqtiga kama dambeysta ah ee la furaayo ama xariga laga jaraayo dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay sida qorshuhu ahaa in dhismaha wadada xariga laga jaro bishii Febraayo ee sanadkan 2021 balse sababo amni aay u soo gaartay in ilaa xiligaan inaan la dhameystirin dhismaha wadadaasi oo marxalado kala duwan soo martay, isagoona sheegay in haatan aay mareyso meel gabagabo ah.

Waxuu intaasi ku daray in caqabaha ugu badan ee wadadaasi dib u dhaca ku keentay iney ka mid aheyd dhanka amaanka oo aad u adkaa iyadoo dhowr jeerna weeraro iyo qaraxyo lala bartilmaameedsaday shaqaalaha iyo Injineerada ku howlan dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha wadada haatan uu maraayo heer gabagabo ah lana gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, islamarkaana xarigana laga jari doonaan sida qorshaha dowlada uu yahay mudo 60 maalmood gudahood.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/8/2021 1:34 PM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Wafdigan ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya.

6/8/2021 8:19 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Waddamada reer Yurub, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka, xukuumada, koomiishanka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasada, sidi guusha lahayd ee ay u qabteen doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanka.

6/8/2021 8:12 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Hoggamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya ugu baaqay inuu si degdeg ah u soo faro galiyo walaaca laga muujinayo bedqabka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea.

6/8/2021 7:11 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Warbixin uu soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadii Soomaaliya ee tababarka ciidan ku qaadanayay dalka Eriteriya, ay ka qeyb qaateen dagaalada ka socda gobolka Tigray ee dalka itoobiya.

6/8/2021 5:23 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar oo magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa amaro cusub faray saraakiisha iyo ciidanka Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan koontaroolada laga sugo amaanka Muqdisho.

6/8/2021 2:18 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog ayaa ka dhacay Bar-koontarool oo aay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ku leeyihiin Xeebta Jasiira ee duuleedka magaalada Muqdisho.

6/8/2021 1:35 AM EST
Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Mandhera ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-shabaab aay weerar ku qaadeen goob aay ku sugnayeen ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo ku taala Waqooyiga Mandheera.