4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2021
Somaliland: Mid kamida degmooyinka aad ka loo sugayay oo lagu dhawaqay natiijada doorashada
 

Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Koomiishanka doorashooyinka ee heer degmo, ayaa ku dhawaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmada Gabilay.

Natiijaa hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmada Gabilay, xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo helay 5 xildhibaan, halka xisbiyada UCID iyo Waddani ka heleen min 4 xildhibaan.

Degmada Gabilay ayaa kamid ahayd degmooyinka ay saddexda xisbi aadka ugu loolamayeen, xisbi kastaana uu ku taamayay in uu helo aqblabiyada golaha degmada ee Gabilay.

Gabilay ayaa ahayd meelihii uu xisbiga Kulmiye codadka ugu badan ka helay doorashadii madaxweynaha ee 13/ November/ 2017 waxana la saadaalinayay in xisbiga Kulmiye uu tiro xildhibaano ah oo aad u badan ku hogaamin doono caqlabiyada golaha deegaanka degmada.

Ma dhicin caqlabiyadii balaadhanayd ee la filayay in uu Kulmiye ku hogaamiyo golaha deegaanka ee Gabilay, saddexda xisbina waxay ka heleen tiro xildhibaano ah oo aan farqi badani u dhaxaynin.

Ilaa iyo hada waxa hadhay oo aan lagu dhawaaqin oo kaliya xubnaha golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex iyo xubnaha golaha deegaanka ee degmada Hargaysa, waxana la rajaynaya in lagu dhawaaqo maanta ilaa caawa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]