4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 4 , 2021
Somaliland: Natiijada doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka ee gobol iyo degmo cusub oo lagu dhawaaqay

Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - koomishanka doorashooyinka Somaliland ee heer gobol iyo heer degmo, ayaa ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Saaxil iyo doorashada golaha deegaanka degmada Berbera.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Saaxil xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo helay 4 xildhibaan, xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa iyaguna ka helay 3 iyo 3 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmada Berbera xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo helay 6 xildhibaan, xisbiga Waddani ayaa kusoo xiga oo helay 4 xildhibaan, halka xisbiga UCID uu ka heley 3 xildhibaan.

Ilaa hada waxan lagu dhawaaqin natiijada golaha wakiilad iyo deegaanka ee gobolka Maroodijeex iyo degmada Hargaysa iyo natiijada doorashada golaha deegaanka ee degmada Gabilay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]