4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 4 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Booliis ah geysay barahii Koontaroolada ciidanka Asluubta
 

Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya geysay barahii koontaroolada aay ku sugnayeen ciidanka Asluubta Soomaaliya ee dhawaan rasaaseeyay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Baraha koontaroolada ee la geeyay ciisamada Booliiska Soomaaliya waxaa ka mid ah wadada hormarta Maxkamada gobolka, Xabsiga Dhexe, Kawaanka Malaayga waxaana la sheegay wixii haatan ka dambeeya in barahaasi amaankooda aay sugi doonaan Booliiska Soomaaliya.

Ciidamadii Asluubta ee laga qaaday barahii koontaroolada aay horay ugu sugnaayeen ayaa la sheegay in loo wareejinayo goobo kale, waxaana aay wareejin tooda imaaneysa xili dhowr jeer oo hore barahooda koontarool ku rasaaseeyeen madax xilal kala duwan horay uga soo qabatay dowladda Soomaaliya iyo oday dhaqameed.

Lama oga sababta ka dambeysa in xarumahii ciidanka Asluubta horay ugu sugnaayeen in lagu wareejiyo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]