4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 4 , 2021
Golaha Kacdoonka Hiiraan oo digniin u diray Raysal wasaare Rooble
 

Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa ka hadlay dadaalada uu raysal wasaaraha Soomaaliya ku doonayo in lagu xaliyo tabashada reer Hiiraan aay ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

Jenaraal Xuud ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dadaalada uu wado Raysal wasaare Rooble, isagoona sheegay inuu aad uga xun yahay in shirkii wadatashiga qaran aanan marnaba lagu soo hadal qaadinta Hiiraan iyadoo Gedo looga hadlay.

Hoggaamiye Jenaraal Xuud ayaa sido kale sheegay in Raysal wasaare Rooble uu uga digaayo inuu Baledweyne yimaado isaga oo uu la socdo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

"Raysal wasaaraha Soomaaliya waxaan u sheegaya hadii uu Baledweyne yimaado isaga oo uu la socdo Cali Guudlaawe waxii dhibaato ah oo ka dhasho masuuliyadeeda inuu isaga qaadan doono, islamarkaana isaga iyo wafdigiisa kale aay imaan karaan Baledweyne" ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Hadalka hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan ayaa imaanaya xili dhawaan Xukuumadda Rooble aay ku dhawaaqday iney xalinayaan tabashada reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabeelle si loo helo Hirshabeelle loo dhan yahay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]